daajis.com:- Ururka Al-shabaab ayaa albaabbada isugu dhuftay xarumaha ay shirkadda isgaarsiinta Hormuud ku leedahay degmooyinka Diisoor iyo Ufuroow oo ka tirsan gobolka Bay ee Koonfurta Soomaaliya, warbixin uu qoray wargeyska Star Afrika ayaa lagu sheegay in ilo wareedyo uu soo xigtay ay sheegayaan in shirkadaha kale ee Isgaarsiinta ay weli sii shaqeynayaan, sidoo kalena ay Al-shabaab xayiraad ku soo rogtay isticmaalka Internet-ka goobaha ay ka taliso oo dhan.

Dadka degan deegaanada laga xiray isgaarsiinta Hormuud ayaa bilaabay inay ka cowdaan isgaarsiin la’aan la soo daristay labadii maalmood ee la soo dhaafay, iyadoo amarkanna lagu soo rogay shirkadda Sabtidii aanu soo dhaafnay, si kastaba ha ahaatee ilaa hadda ma jiro hadal arrintan la xiriira oo ka soo baxay maamulka shirkadda Hormuud iyo Xarakada Al-shabaab labadaba, laakiinse dhowr jeer oo hore ayey Al-shabaab xirtay xarumaha shirkadaha isgaarsiinta iyo kuwa xawaaladaha ay ku leeyihiin deegaanada ay ka taliso.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:00 and have
, Published at