VIDEO:- Ururka Al Shabaab oo Sheegtay Qaraxii maanta ka dhacay Garoonka Diyaaradaha

VIDEO:- Ururka Al Shabaab oo Sheegtay Qaraxii maanta ka dhacay Garoonka Diyaaradaha

daajis.com:- Ururka Al Shabaab, ayaa sheegtay masuuliyada weerarkii ismiidaaminta ahaa ee barqanimadii maanta ka dhacay afaafka hore ee Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde International ee Magaalada Muqdisho.

Al Shabaab, ayaa waxay weerarkaan ku sheegtay mid ka dhan ahaa waxa ay ugu yeertay calooshood u shaqeystayaal ka tirsan Qaramada Midoobey, oo u sii socday garoonka Diyaaradaha.

War qoraal ah oo ay soo saartay Al Shabaab, ayaa waxaa lagu sheegay in weerarka lala beegsaday kolonyo ay la socdeen waxa ay ugu yeereen calooshood u shaqeystayaal, isla-markaana ay waxyeelo daran u geysteen.

 Qoraalka si rasmi ah looguma shaacin tirada dadka ay Shabaabku ku dileen weerarkaasi, balse waxay ku muujiyeen in wixii faah faahin ah ay dib ka soo sheegi doonaan.

Al Shabaab, ayaa waxay ku cago jugleyneysaa inay sii wadi doonto weerarada ka dhanka ah Qaramada Midoobey, kadib markii ay ku eedeysay inay duulaan ku tahay dalka iyo diinta.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada