Madaxweyne Xasan oo baaq u jeediyay shacabka iyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed

Madaxweyne Xasan oo baaq u jeediyay shacabka iyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed

daajis.com:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hogaaminayo oo maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xaruunta gobolka Baay, halkaasi oo lagu qabtay Xafladda caleema saarka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan midnimada bulshada halkaasi wada degta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wafdiga uu hogaaminayo oo isugu jira xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Hogaamiye ku-xigeenka Maamulka KMG ah ee Jubba, Wakiilo ka socday Puntland, wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Mid ka mid ah ergada soo dhistay Maamulka oo goobta hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay in uu aad ugu faraxsanyahay in maanta Baydhabo lagu caleemo saarayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Wakiilada beesha caalamka ee xafladda caleemo saarka ka qeyb galay ayaa ugu horeyn u mahadceliyay dowladda Soomaaliya dadaallada ay ugu jirto hirgelinta Nidaamka Federaalka ah, iyagoo xusay in ay Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ay garab istaagi doonaan.

Siyaasiga Cali Maxamed Geeddi oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay tani u tahay guul taariikhi ah, oo u horseedeysa in sanadka 2016-ka uu dalka ka dhaco doorasho xor ah oo ay shacabka ka wada qeyb galaan.

Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo ku hadlayay magaca mudanayaasha baarlamaanka ayaa ka sheekeeyay taariikhda uu soo maray dhismaha maamulka Koonkur Galbeed, isla markaana ay soo dhaweynayaan hogaanka cusub ee ay maamulkaasi doorteen.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya mudane Shariid Xasan Sheekh Aadan oo xafladda lagu caleemo saarayay ka hadlay ayaa uga mahadceliyay mas’uuliyiintii ka soo qayb gashay xafladda, waxaana uu intaa ku daray in uu la shaqeyn doono maamul gobolleedyada dalka ka dhisan iyo dowladda Federaalka ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo gabo gabadii xafladda ka hadlay ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan saddexda gobol ee uu ka koobanyahay maamulka Koonfur Galbeed ee dalka inay ilaaliyaan midnimada, isla markaana ay la shaqeeyaan hogaanka cusub.

Madaxweyne Xasan ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya uu xoojiyo la dagaalanka argagixisada ah ee Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya meelo ka mid ah deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, si Al-Shabaab looga cirib tiri guud ahaan dalka.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa 17-kii bshii November loo doortay in uu noqdo Madaxweynaha koonfur galbeed ee Soomaaliya oo ka kooban gobollada Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose, kaasi oo xilka hayn doono muddo afar sano ah.

Wafdiga Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta gelinkii dambe dib ugu soo laabtay Muqdisho.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada