Dhacdo Cusub:- Shimbir Bam lagu soo xiray oo Toogasho lagu dilay.Daawo

Dhacdo Cusub:- Shimbir Bam lagu soo xiray oo Toogasho lagu dilay.Daawo

daajis.com:- Warar lagu daabacay Wargeysyada kasoo baxa dalka Afghanistan, ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada wadankaasi ay  toogteen shimbir Bam lagu soo xiray, taasi oo la doonayay in lagu qarxiyo bar kontorol oo Boolisku lahaayen.

Sidoo kale, Warbaahinta ayaa sheegtay in toogashada Shimbirtaasi uu fuliyay Sargaal la sheegay inuu ka tirsanaa Booliska kaasi oo feejignaan adag muujinaayay, kana shakiyey shimbirka.

Toogashada kadib ayaa waxaa shimbirta laga furay Qaraxii ku xirnaa, waxaana laga helay radio ku xirnaa iyo calaamado iyo nambaro lugteeda lagu soo xiray.

Dhanka kale, Arrintaani ayaa ah mid ku cusub caalamka oo idil, waxaana ay boolisku sheegeen in ay baarayaan dhacdadan iyo cidda ka dambeysa.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada