Wasiirkii arrimaha gudaha Kenya oo shaqadii laga eryay iyo taliyaha booliska oo is casilay

Wasiirkii arrimaha gudaha Kenya oo shaqadii laga eryay iyo taliyaha booliska oo is casilay

daajis.com:- Wasiirkii Amniga Gudaha ee dalka Kenya Joseph Ole Lenku ayaa shaqadii laga eryay iyadoo talihii ciidamada Booliska David Kimayu uu is casilay kadib markii lagu diley 36 ruux meel u dhow magaalada Mandhera ee dalka Kenya.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa u magacaabay wasiirka cusub ee Amniga gudaha ee dalka Kenya Joseph Nkaissery oo ah Jeneral hore uga tirsanaa ciidamada Kenya ahna siyaasi mucaarad ah.

Taliyaha ciidamada Booliska David Kimaiyo ayaa is casilidiisa ku macneeyay inay tahay arrin shaqsi ah. Cadaadis xoog leh ayaa ku imanayay labadan mas’uul maadaama xaalada ammaanka dalka Kenya ay sii xumaaneysay.

Weeraro xiriir ah ayaa sababay lagu dilo dad tiradoodu ku dhowdahay 80 ruux muddo ku siman labo toddobaad. Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqay shacabka dalka Kenya inay midoobaan isla markaana meel ugaga soo horjeestaan weerarada lagu hayo.



Weerarada lagu soo qaaday dalka Kenay waa mid lagu soo qaaday Kenya iyo shacabka dalka Kenya. “Kan waa dagaal lagu soo qaaday Kenya iyo shacabka dalka Kenya,”ayuu yiri Mr Kenyatta isagoo ka hadlayay taleefishinka qaranka dalka Kenya.

“Waa dagaal uu qof walba oo annaga ah ay tahay inay dagaalamaan.”ayuu sii raaciyay hadalkiisa Mr Kenyatta.

Al-Shabaab ayaa sheegatay inay ka dambeysay weerarkan xalay saqdii dhexe ka dhacay meel duleedka ka ah magaalada Mandhera oo aheyd goob laga qodayay dhagxaanta ama kaawada, halkaasoo ay ku dishay ilaa 36-ruux.

Waa weerarkii labaad oo Al-Shabaab ka fuliso nawaaxiga Mandhera, toban maalmood ka hor ayay aheyd markii ilaa 28 ruux la dilay, xilli ay saarnaayeen gaari bas ah oo ku sii jeeday Nairobi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada