Wiil Soomaali ka bar bar dagaalamayay ISIS oo ku geeriyooday dagaalo ka dhacay Ciraaq

Wiil Soomaali ka bar bar dagaalamayay ISIS oo ku geeriyooday dagaalo ka dhacay Ciraaq

daajis.com:- Dowladda Islaamiga ee Ciraaq iyo Suuriya ee loo yaqaano ISIS ama IS ayaa ku dhawaaqday in wiil Soomaali ka bar bar dagaalamayay ciidamadooda uu ku dhintay dagaal ka dhacay Khamiistii magaalada Kirkuk ee dalka Ciraaq.

War saxaafadeed ka soo baxay ISIS ayaa lagu soo bandhigay sawirka wiilkan Soomaaliga ah oo lagu magacaabi jiray Abuu Musa Al-Somali, kaasoo ka soo muuqday muuqaal isagoo kitaab quraanka Kariimka aqrisanayay, ka hor inta aanu dagaalka lagu dilin

Muwaadinka Soomaaliga ah ayaa la faah faahin halka uu ka yimid, balse waxaa jiray Soomaali fara badan oo ka tagay dalal ka mid ah reer Galbeedka, kuwaasoo ka soo muuqday muuqaalo uu baahiyay ISIS.

Dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed ka bar bar dagaalamayay ISIS ayaa ku geeriyooday dagaalo ka dhacay dalalka Suuriya iyo Ciraaq.



Todobaad ka hor ayaa labo muwaadin British ah oo mid uu Soomaali ah ayaa la sheegay inay ku dhinteen dagaalo ka dhacay magaalada Kobane ee ku taal Xadka Suuriya iyo Turkiga, halkaasoo dagaalo bilooyin socda iyo duqeymo ay ka dhacayeen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada