daajis.com:- Ururka Al Shabaab, ayaa wuxuu hanjabaado cusub uu u diray Shaqaalaha Dowladda Federalka Somaliya iyo dadka kale, ee gacanta siinaaya Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom.
Afhayeenka Ciidamada Ururka Al Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab, oo la hadlay Warbaahinta afka Shabaabka ku hadasha, ayaa waxa uu Shaqaalahaasi uu kaga digay inay la shaqeeyaan waxa uu ugu yeeray gaalada iyo murtadiinta.
“Dadka gaalada iyo murtadiinta la shaqeeya waxaan lee nahay waxa aad ku jirtaan ka waantooba, hadDii kale mar waliba Mujaahidiinta ayaad bartilmaameed u noqonaysaan oo idin beegsanaayo.” Ayuu yiri Sheekh C/casiis Abuu Muscab.
Afhayeenka Ciidamada Al Shabaab, ayaa ku goodinaaya in dagaal-yahanadooda ay weeraro ismiidaamin iyo qaraxyada gawaarida lagu xiraba, ay u adeegsan doonaan dhinacyadaasi, sida uu yiri.
“Mujaahidiinta waxa ay idin la beegsan doonaan baabuurta qaraxyada ismiidaaminta iyo miinooyin, mar waliba waxaad ku jireysaan argagax iyo cabsi.” Sidaasi waxaa yiri Abuu Muscab.
Tani waxay ku soo aadeysaa, xilli Abuu Muscab oo ku faanay inay iyagu ka dambeeyeen dilka Duqii Degmada Afgooye Cali Cadow Cali (Cali Jamiil).
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:00 and have
, Published at