Xildhibaan Jeesoow “Shacabka Kismaayo waxay lamid yihiin shacabka reer Falastiin oo kale”

Xildhibaan Jeesoow “Shacabka Kismaayo waxay lamid yihiin shacabka reer Falastiin oo kale”

daajis.com:- Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa wuxuu weerar afka ah uu ku qaaday Maamulka Jubbaland, oo ka arrimiya Magaalada Kismaayo.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow, ayaa ku waramaaya in shacabka reer Kismaayo ay la mid yihiin sida shacabka reer Falastiin oo kale, isagoona soo hadalqaaday inay ka bixi doonaan.

“Shacabka Kismaayo waxay lamid yihiin shacabka reer Falastiin oo kale, ha iska samraan way ka baxayaan, tartiib tartiib ayay uga baxayaan.”

Waxa kaloo uu yiri “Mijin dhooqaad midba marbaa la bixiyaa, ha dulqaataan, dhibaatada waa laga bixi doonaa, Falastiinba intaad aragtay ayay dhibaatada ku jireen, quus ayaan ka joognaa wada hadal lala galo Maamulka Jubbaland.”

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa ay ka hadlayeen dhibaatooyin ay sheegeen inay ku soo kordheen Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.


Maamulka Jubbaland wax jawaabo ah kama bixin eedeymaha joogtada ah ee kaga imaanaaya Mudane-yaasha Baarlamaanka Somaliya ka tirsan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada