daajis.com:- Xoogaga Xuutiyiinta Shiicada ayaa hareereeyay Guriga Ra’iisul Wasaaraha Yemen ee Caasimada Sanca, iyadoo dagaalo xoogan ay ka socdaan qeybo badan oo ka mid ah magaalada.
Iska hor imaadyada oo shalay bilowday ayaa ka dambeeyay markii maleeshiyada Xuutiyiinta ay maalmo ka hor qafaasheen agaasimihii Madaxtooyada Yemen.
Ra’iisul Wasaaraha Yemen ayaa la sheegay inuu ku sugan yahay gurigiisa, sida uu xaqiijiyay afhayeen u hadlay dowladda Yemen.
Ciidamada dowladda ayaa dagaal adag kula jira dagaalyahanada Xuutiyiinta, kuwaasoo sanadkii hore qeybo badan oo kamid ah Caasimada Yemen la wareegay.
Ugu yaraan sideed ruux ayaa ku dhintay dagaalada ka socda magaalada Sanca, iyadoo xaalad jahwareer ah ay ka jirto, waxaana si aad ah loo maqlayaa hubka cul culus ee la isu adeegsanayo.
Ciidamada Madaxtooyada ayaa sugaya ammaanka qasriga uu degan yahay Madaxweynaha Yemen, iyagoo xiray jidad badan oo laga soo galo.
Mucaaradka Xuutiyiinta iyo dowladda Yemen ayaa horay u gaaray heshiis xabad joojin iyo in la dhiso dowlad wadaagay qeyb ka yihiin Xuutiyiinta shiicada.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:00 and have
, Published at