daajis.com:- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa guddi u saartay qaban qaabada xuska 21ka Janaayo oo ku beegan 42 guuradii kasoo wareegtay markii la qoray Farta Soomaaliga 1973-dii.
Maalinta berri ah ayay ku beegan tahay maalintaas oo wargeyskii Xiddigta October lagu soo saaray far Soomaali, isla markaana Afka-Soomaaliga si toos ah loogu beddelay afafkii qalaad ee dalku isticmaali jiray.
Gudoomiyaha gudiga qaban qaabada loo xilsaaray xuska 21ka Janaayo, Axmed Shabeel ayaa yiri “Maalinta 21-ka janaayo waa maalin ku wayn inta Af-Soomaaliga ku hadasha, maalintaas uu dhaqan galay afkeenu waa maalin si weyn loogu baahan yahay in laga xuso dalkeena”.
Cabdi Xaaji Goobdoon oo kamid ah gudiga ayaa sheegay in aan la xusin isla markaana aan la qiimeynin maalintaan burburkii kaddib, wuxuu tilmaamay inay muhiim tahay in gobollada iyo degmooyinka waddanka laga xuso maalintaan oo micne wayn u leh dadka Soomaaliyeed.
“Waa maalintii Af-Soomaaliga lagu beddelay Afafkii qalaad, oo maamulka oo dhan laga dhaqan galiyay, manhajkii waxbarashada loo beddelay Af-Soomaali, waa maalin qiimo weyn noo leh” ayuu yiri Cabdi Xaaji Goobdoon.
Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya, Daauud Aweys ayaa sheegay in warbaahinta Soomaalidu ay dowr weyn ku leedahay nooleynta Afka, dhowr iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay ayay warbaahintu ku howlanayd horumarinta afka ayadoo aysan jirin hay’ado dowladeed oo u taagan arrintaas.
“25-kii sano ee uu waddanku burburka (dagaallada) ku jiray oo Af-Soomaaliga gacan ku heyntiisa qalqal gashay waxaa dowr wayn ka qaatay warbaahinta, ha noqoto warbaahinta caalamiga ah ee Af-Soomaaliga ku hadasha ama tan gudaha” ayuu yiri Daa’uud Aweys.
“Inkastoo tayada su’aalo laga keeni karo haddana waxay qabteen howl weyn oo aan la dhayalsan Karin” ayuu daa’uud hadalkiisa sii raaciyay.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa magacowday guddi ay ku jiraan dad Af-ka si wanaagsan u yaqaanna, kuwaas oo qaban qaabinaya xuska maalinta Far-Soomaaliga oo maalinta arbacada ah laga xusi doono meelo badan oo dalka ka mid ah.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:30 and have
, Published at