daajis.com:- Ciidamada Soomaaliya ayaa adkeeyay ammaanka Muqdisho gaar ahaan waddooyinka soo gala madaxtooyada Soomaaliya,Waxaana sababta lugu sheegay in markii labaad uu soo booqanayo Muqdusho madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan.
Erdogan ayaa sida qorshuhu yahay Muqdisho booqanaya,Sida lugu sheegay war lugu baahiyay maalmo ka hor warbaahinta dowladda Soomaaliya.
Ciidammo isagu jira booliska iyo kuwa nabad-sugidda ayaa lugu arkay waddooyinka Muqdisho,waxaana ay baarayaan gaadiidka iyo dadweynaha,halka sidoo kale la xiray qaar ka mid ah waddooyinka.
Wadooyinka xiran ayaa waxaa ka mid ah wadada ka soo baxda garoonka dayuuradaha ee Aden Cadde, wadada Maka Al Mukaramma oo ka xiran daarta Zobbe illaa iyo madaxtooyada iyo sidoo kale wadada Tarabuunka.
Gaadiidka ayaa billaabay inay isticmaalaan waddooyin kale iyadoo la arkayo gaadiid safaf dhaadheer ugu jira sidii ay u dhex mari lahaayeen xaafadaha ay dadku deggen-yihiin.
Wafdi ka socda Turkiga
Sida la sheegay wafdi soo gaaray magaalada Muqdisho waxaa ay horu-dhac u yihiin madaxweynaha Turkiga ee soo booqanaya Soomaaliya,waxaana ay isagu jiraan diblumaasiyiin,saraakiil dhinaca ammaanka ah iyo qeybta Protocolka.
Madaxda dowladda Faderaalka dhankooda wali kama aysan hadlin booqashada madaxweyne Erdogan iyo wafdiga soo gaaray magaalada Muqdisho.
Booqashada madaxweye Edogan ayaa noqonaysa tii labaad ee uu ku yimaado dalka Soomaaliya waxayna noqonaysaa madaxweynihii ugu horreeyay ee soo booqda dalka Soomaaliya.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:00 and have
, Published at