awiro: Kani Ma Yahay Qaladkii Ugu Xumaa Ee Garsoore? Vertonghen Oo Gool Sax Ah Offside Looga Diiday. Waxaa Qoray

awiro: Kani Ma Yahay Qaladkii Ugu Xumaa Ee Garsoore? Vertonghen Oo Gool Sax Ah Offside Looga Diiday. Waxaa Qoray

daajis.com:-Waxaa jira qaladaad badan oo ay sameeyeen garsoorayaasha Premier League isbuucyadii u danbeysay.

Laakiin go’aankii lagu diiday goolkii labaad ee uu Jan Vertonghen ku dhaliyay White Hart Lane xalayto ayaa ugu sareeya ceebta soo gaartay garsoorayaasha Ingariiska.

Xiddiga reer Belgium ayaa u maleynayay inuu dhaliyay goolkii labaad ee kooxdiisa markii uu dabaaldeg iska galay kulankii ay Tottenham ka badisay Sunderland.

Si kastaba, calanwadaha ayaa feker kale aaminsanaa isagoo calankiisa kor u taagay islamarkaana tilmaamay inuu offside ahaa, inkastoo xaqiiqda ay aheyd in daafaca uu kubada ku soo helay qeybtooda garoonka.

Sharciga ugu horeeya ee kubada cagta ee qof walba uu barto ayaana ah in kubada aysan offside noqon haddii aad ku soo hesho qeybtaada garoonka.

Sunderland ayaa weerar ku maqneyd iyadoo goolhaye Costel Pantilimon uusan meelna joogin markii kubada loo soo dhigayay daafaca Tottenham kaasoo kubada ka soo qaatay qeybtooda garoonka islamarkaana shabaqa toogtay.


Muuqaaladii la duubay ayaana muujinayay calanwadaha oo u sheegaya garsooraha in kaliya ciyaaryahan uu sii ordayay sidaasi darteeedna uu Vertonghen offside ahaa.

Laakiin sharcigaas waxa uu dhaqan geli lahaa haddii daafaca uu kubada loogu soo dhiibi lahaa isagoo ku jiray qeybta garoonka Sunderland, laakiin ku celiska ayaa muujinayay inuu shan yard u jiray xariiqda bartamaha garoonka markii kubada loo soo dhiibayay.

Sida iska cad waxa ay aheyd mid ka mid ah go’aamadii ugu xumaa ee lagu arko Premier League, laakiin nasiib wanaagooda garsoorayaasha Tottenham ayaa seddexda dhibcood qaadatay markii ay 2-1 ku badisay.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada