daajis.com:- Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa mudooyinkii dambe kusocday dayactir iyo casriyeen ay ku sameenaysay Shirkad laga leeyahay Dalka Turkiga oo gacanta ku heysa Maamulida garoonkaasi.
Shirkada Favori ayaa horey u balan qaaday in Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ay u dhisi doonto qaab qurux badan oo lamid ah garoomada Caalamiga ah, waxaana hada garoonka lagu sameeyay dib u dhis hor dhac ah inkastoo wali ay socdaan dhismaha iyo casriyeenta Garoonka.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn usoo dhaweeyay Hormarka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho iyo dhismooyinka casriga ee mudooyinkii u dambeeyay laga hirgalinayay gudaha Garoonka.
Waxaa la filayaa in dhawaan si rasmi ah loogu shaqo bilaabo qeybaha cusub ee Garoonka loo dhisay, waxaana Garoonka Aadan Cadde mudo sanado badan kadib la filayaa in uu howl bilaabo xiliyada habeenkii ah.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:00 and have
, Published at