daajis.com:- Xildhibaannada baarlamaanka faderaalka Soomaaliya ayaa fadhi ay maanta ku leeyihiin xarunta golaha shacabka,waxaa ay uga doodayaan dhameeystirka Hindise Sharciyeedka Hanti dhowrka guud ee Qaranka ku leh xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Maxamed Cumar oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo lahadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in kulanka baarlamaanka ee maanta uu yahay dhameysirtka hindise sharciyeedka Hanti dhowrka guud ee Qaranka.
“Maanta oo Isniin ah oo ay taariikhdu ku beegantahay 19 ka bisha Janaayo ajandaha kulanka Xildhibaannada waxa uu yahay ka doodista hindise sharciyeedka Hanti dhowrka guud ee Qaranka, oo mudayaasha loo qeybiyay nuqulo ka mid ah hindise sharciyeedkan” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar.

“In la dhameystiro Hidise sharciyeedka ku saabsan doorashooyinka, meel marinta hindise sharciyeedka Hanti dhowrka guud ee Qaranka, in loo gudbo akhrinta labaad ee dhismaha Maxkamadda Dastuuriga iyo in xukuumadda codka kalsoonida ah la siiyo marka uu soo dhameystiro Ra’iisul wasaaraha” ayuu hadalkiisa ku daray Xildhibaan Maxamed.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:39 and have
, Published at