daajis.com:- Dowladda Kenya ayaa wali ku jirta dagaal ka dhan ah kooxda islaamiga ah ee Al-shabaab,kuwaaso weerarro badan ka fuliyay qeybo ka mid ah dalkaas gaar ahaana gobolka xadduudka.
War ka soo baxay ciidanka difaaca ee Kenya ayaa lugu sheegay weerarkii ka dhacay dhul xeebedka Lamu inuu ku dileen dagaallamayaal ka tirsan kooxda Al-sahabaab oo dhawaan halka weerarro ka fuliyay.
Shan ruux oo la sheegay inay hubeysnaayeen ayaa lugu dilay,halka seddex kalana ay ku dileen keynta Boni oo ku dhow deegaanka Basuba,sida waxaa sheegay Col David Obonyo afhayeenka ciidanka meletariga Kenya.

“Kadib markii weerarka ay uu ka fashilmay, ciidamadeena waxay kaga hortageen keynta waxayna dileen seddex inka badan, waxaa nasiib daro ah inta weerarka uu socday inaan weynay askari naga mid ahaa”ayuu yiri afhayeenka ciidamada meletariga Kenya.
Sidoo kale,wuxuu sheegay in qaar kamid ah Alshabaab ay ka baxsadeen koobta iyagoo dhaawac ah, sida uu hadalka u dhigay.
Seddex kamid ah ciidamada Kenya oo weerarka ku dhaawacmay ayaa la dhigay isbitaal ku yaala magaalada Mombasa, sida uu sheegay afhayeenka meletariga Kenya.
Weeararrada Al-sahabaab ay ka fulinayaan Kenya ayaa ah kuwo wali socda,balse dowladda Kenya ayaa dalbaneysa in gacan laga siiyo dagaal kooxda ay ka fulinayso qaybo ka mid ah dalkeeda.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:41 and have
, Published at