daajis.com:- Dagaalyahano ka tirsan Boko Haram ayaa weeraray tuulooyin ka tirsan dalka Cameroon, kadib markii ay ka gudbeen xadka Nigeria uu la wadaago Cameroon.
Wararka ayaa sheegaya in kooxda ay soo qafaasheen dad ku dhow ilaa sideetan ruux oo u badan caruur, iyagoo gubay ilaa sideetan guri ku yaal tuulooyinka ay weerareen.
Afar ka mid ah dadkii deegaanka ayaa la dilay, intii ay isku dayayeen inay ka difaacaan dadkii ay ka qafaasheen tuulada.
Boko Haram ayaa dhowaan la wareegay deegaan ka tirsan waqooyi bari Nigeria, waxaana horaantii bishan ay in ka badan boqol qof ku dileen magaalada Bagga.
Wasiirka Warfaafinta Cameroon ayaa sheegay inay wadaan dadaalo ay ku soo furanayaan dadka ay afduubteen Boko Haram gudaha Cameroon.
Boqol askari oo ka tirsan Ciidamada Chad ayaa ka taageeraya ciidanka Cameroon, sidii ay ula dagaalami lahaayeen kooxda Boko Haram oo sii xoojineysa weerarada ay ka geysaneyso Gobolka.
Madaxweynayaasha Gobolka ayaa la filayaa inay dhowaan shir isugu yimaadaan, si ay uga hadlaan sidii dagaal ka dhan ah Boko Haram loogu qaadi lahaa, iyadoo Madaxweynaha Ghana uu wado qorshayaal uu Midowga Afrika u gudbinayo oo ku aadan la dagaalanka Boko Haram.
Nigeria ayaa dhowaan la filayaa inay doorashooyin ka dhacaan, waxaana laga cabsi qabaa in Gobolada waqooyi Bari oo ay ku badan yihiin Muslimiinta inay wax codeyn ah ka dhici waayaan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:30 and have
, Published at