daajis.com:-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aanay ka bixin heshiiskii ay sanadkii 2013 ay la gashay Culumaa’udiinka Ahlusuna Wal-jameeca, iyadoo dowladdu xustay in waxyaabihii horay loogu heshiiyay ay wax badan ka qabsoomeen.
Sii hayaha Wasiir kuxigeenka Arrimaha dibada Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad oo ku sugan magaalada Dhuusa Mareeb ayaa hadal uu ka jeediyay Munaasabada lagu caleema saarayay Gudoomiyaha cusub ee Golaha Fulinta Ahlusuna ayaa sheegay in dowladda ay sidii ugu dhegan tahay heshiiska.
“Heshiiskii Ahlusuna iyo dowladda federaalka ay galeen abay sidii ayay ugu dhegan tahay, diyaarna u tahay taaba gelinta inta dhiman heshiiskaas, idinkana waa ku mahadsan tihiin garab istaaga dowladda duruufihii adkaa ee ay soo martay”ayuu yiri Mahad Maxamed Salaad.

Dowladda Soomaaliya iyo Ahlusuna Wal-jameeca ayaa bishii June ee sanadkii 2013 heshiis ku kala saxiixday degmada Caabudwaaq, iyadoo Maamulka Ahlusuna ay horay ugu eedeysay dowladda inay ka baxday heshiiskii ay wada galeen.
Bishii la soo dhaafay ee sanadkii hore ayay aheyd markii ciidamo ka tirsan dowladda iyo ciidamo taabacsan Ahlusuna ay ku dagaalameen degmooyinka Dhuusa Mareeb iyo Guriceel, iyadoo markii dambe ay isaga baxeen ciidankii Ahlusuna ka tirsanaa.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:00 and have
, Published at