daajis.com:-Xoogaga Daacish, ayaa waxay saacadihii ugu dambeeyay ay oodda ka qaadeen 200 oo ruux, oo ka mid ah qoomiyadda Yazidiga, oo degta qaybo ka mid ah dalka Ciraaq.
Xoogaga Daacish, ayaa tan iyo bishii August afduub u heystay dadkaan. Dadka la sii daayay waxay isugu jiraan caruur, haween, waayeelo iyo weliba dad kaloo lixaadka la’.
Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Daacish, ayaa waxay dadkaan ku gaarsiiyeen duleedka Magaalada Kirkuk ee dalka Ciraaq, halkaasoo ay ku qaabileen Ciidamada Kurdiyiinta.
Dadka la sii daayay oo qaarkood la hadlay Warbaahinta, ayaa waxay sheegeen in Dowladda Khilaafada Islaamka ay u fidisay waxa ay ugu yeereen cafis gaar ah.
Waxay kaloo sheegeen in ay jiraan dad kaloo weli gacantoodu baaqi ku ah oo ka soo jeeda qoomiyadda Yazidiga, laakiin aysan aqoon halka lagu haayo.
Dagaal-yahanada Daacish waxaa horey loogu eedeeyay inay tacadiyo ka dhan ah galmada u geysteen haween ka tirsan qoomiyadda Yazidiga, sidoo kalana ay jiraan dad kale oo ay jirdil iyo dilba u geysteen.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:30 and have
, Published at