daajis.com:-Toddobo Kaniisado, ayaa shalay iyo maanta siyaabooyin kala duwan loogu gubay Magaalooyinka Niamey iyo Zinder ee dalka Niger.
Muslimiinta Niger, ayaa si xoog leh kaga carooday Wargeyska Charlie Hebdo, oo mar labaad daabacay kartoon uu ku aflagaadeynaayo Nabi Muxamed (NNKH), waxayna taasi in Muslimiinta ay si caro leh kaga jawaabaan.
Dhalinyaro fara badan oo tiradoodu lagu sheegay ilaa 1000 nin, ayaa dab qabadsiiyay Kaniisadaha. Sidoo kale waxay weerareen xarun dhaqameed uu Faransiisku ku lee yahay Magaalada Zinder.
Dadka deegaanka, ayaa Warbaahinta u sheegay in dhalinyarada ay dab qabadsiiyeen Kaniisadaha, ka gadaal boob ay ka geysteen.
Goobo kale oo dunida Islaamka ah, ayaa waxaa ka dhacay isku soo baxyo waaweyn oo looga soo horjeedo, sawir gacmeedyada lagu aflagaadeynaayo Suubanaha, ee uu geysanaayo Wargeyska Charlie Hebdo, oo ka soo baxa Magaalada Paris ee Xarunta Wadanka France.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:00 and have
, Published at