Qarax Lagu Bartilmaameed sadey Ciidamo ka tirsan Dowladda oo ka dhacey deegaanka Xaawo Cabdi waxyeelana ka dhashey..

Qarax Lagu Bartilmaameed sadey Ciidamo ka tirsan Dowladda oo ka dhacey deegaanka Xaawo Cabdi waxyeelana ka dhashey..

daajis.com:- Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan ciidamada Milateriga ayaa qarax lagula eegtay goor dhaweyd, agagaarka Xaawo Cabdi ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Ciidan la socday gaari yar oo nooca raaxada ah ayaa la qarxiyay sida ay sheegtay gabar kamid ah kuwa ka shaqeeya Isbitaalka Xaawo Cabdi ee ku yaala deegaankaasi.

Gabadhaan ayaa sheegtay in Isbitaalka qaybta gar-gaarka deg dega loogu keenay labo Askari oo dhaawac ah iyo labo kale oo dhimatay, waxaana intaasi hadalkeeda ay ku dartay in goobtii qaraxa uu ka dhacay ay rasaas ka dhaceysay.

Makala cadda nooca qaraxa uu yahay, xilli Gabadhaan ay sheegtay in Askarta dhibaatada soo gaartay inay isugu jiraan kuwa dharka Milateriga gashan iyo kuwa dharka Shibilka wata.

Gaariga Qaraxa lala eegtay oo noociisa lagu sheegay inuu yahay NOAH, ayaa wararka qaar ay sheegayaan inuu saarnaa Duqii Degmada Afgooye Cali Jamiil oo qaraxaasi dhaawac kasoo gaaray ugu geeriyooday, laakiin macada warkaasi.


Goobta qaraxa uu ka dhacay ee nawaaxiga deegaanka Xaawo Cabdi, waxaa soo gaaray ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Milateriga Dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaasi oo ka yimid dhanka Buundo Carbiska, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Ciidamada Milateriga ee goobta yimid ayaa waxa ay xireen wadada, waxaana Isbitaalka ay ka qaadeen Askartii waxyeelada soo gaartay, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in dhaawaca labada Askari loo soo qaaday Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Xoogag Shabaab ka tirsan ayaa inta badan wadadaasi ku aasa waxyaabaha qarxa ee meelaha fog-fog laga hago, iyadoo qaraxaan maanta dhacay uusan kala cadeyn nooca uu yahay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada