Daawo Muuqaal:- Caalamadaha Maalinta Yoomal qiyaamaha oo ah maalinta uu ilaahay soo gebagebanaayo aduunka

Daawo Muuqaal:- Caalamadaha Maalinta Yoomal qiyaamaha oo ah maalinta uu ilaahay soo gebagebanaayo aduunka

daajis.com:- Caalamadaha iyo qaabka ay u dhacayso maalinta Yoomal qiyaamaha oo ah maalinta uu ilaahay soo gebagebanaayo nolosha aduunka oo dhan ayaa arintaas waxaa uu ilaahay ku sheegay quraanka Kariimka inkastoo qaar badan oo ka mid ah dadka ku nool aduunkaan guudkiisa gaar ahaan gaalada aysan aaminsaney jiritaanka maalinta qiyaamaha.

Maalinta Yoomal Qiyaamaha oo uu ilaahay ku sheegay inay tahay dhamaadka aduunka ayaa waxaa dad badan ay is weydiinayaan sida ay u dhacayso iyo qaabka ay tahay iyadoona uu ilaahay arintaas uu si cad ugu sheegay quraanka kariimka, Maalinta yoomal qiyaamaha oo ilaahay dadka uga digaayey inay maalintaas ka taxadaraan mudo bilaayiin sano ah ka badan ka hor ayaa ilaahay waxaa uu ku sheegay quraankiisa inay dhiman doonaan maalintaas wax walba oo nool yar iyo weyn oo ku noolaa koonkaanka aan ku nool nahay iyadoona uu ilaahay sidoo kale ku sheegay quraankisa in maalintaas inuu soosaari doono waxa ku jira qabuuraha ee horey u geeriyoday.



Ugu dambeyntiina iyadoo sida uu ilaahay sxbwtc uu quraankiisa ku sheegay ay xaqiiqa tahay inay imaan doonto maalinta yoomal qiyaamaha ayaa waxaa jira in qaar badan oo ka mid ah wadamada gaalada ay arintaas aysan aaminsaneyn oo ayna ku sheegaan inuusan aduunkaan lahayn wax dhamaad ah oo uu waligiis sii jiri doono arintaas oo ah mid ka fog xaqiiqda, Maalinta Qiyaamaha ayaa ilaahay waxaa uu quraankiisa ku sheegay inaysan jirin qof aan asaga ahayn oo og waqtiga ay dhacayso laakiin ay tahay mid xaqiiqo ah oo dhici doonto mar ay ahaatabo. 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada