Daawo Muuqaal:- Wasiirka arrimaha Dibada Canada oo Ukumo lagu tuuryeeyay xili uu kusugnaa Magaalada Ramallah

Daawo Muuqaal:- Wasiirka arrimaha Dibada Canada oo Ukumo lagu tuuryeeyay xili uu kusugnaa Magaalada Ramallah

daajis.com:- Wasiirka arrimaha Dibada ee dalka Canada John Baird oo booqasho ku tagay Axadii shalay magaalada Ramallah ee xarunta maamulka Falastiin ayaa halkaasi looga mudaharaaday isagoo lagu tuuryeeyay Ukun!

Mudaharaadayaasha reer Falastiin ayaa si weyn uga soo horjeeday imaanshaha Wasiirka Canada oo ay ku tilmaameen cunsri taageera dhul boobka Isra’iil.

Wafdiga wasiirka arrimaha dibada ee Canada oo socdaal ku maraya todobaadkan Bariga Dhexe, ayaa si halhaleel ah uga baxsaday xarunta Wasaarada Arrimaha Dibada ee Ramallah oo ay isugu soo baxeen dad badan oo careysan. Ukumihii lagu tuuray wasiirka ayaa la sheegay inaysan geysan wax khasaaro ah.


Xisbiga hada Canada ka taliya ee uu xubinta ka yahay John Baird ayaa ah mid xiriir dhaw laleh maamulka Isra’iil. Wadanka Canada ayaa kamid ahaa dalalkii horjoogsaday in aqoonsi dheeraad ah Falastiin lagasiiyo Qaramada Midoobay.


Dalka Canada ayey sidoo kale ku dhaqan yihiin Yuhuud badan oo awood kuleh dalkaasi, kuwaasi oo si weyn u taageera dhul boobka ay yuhuuda ka wadaan dhulka Falastiin.


W/Q Hanad Askar

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada