Madaxweynaha dalka Kenya iyo ku xigeenkiisa oo Hal Milyan ku bixiyay dhismaha dugsi Islaami ah

Madaxweynaha dalka Kenya iyo ku xigeenkiisa oo Hal Milyan ku bixiyay dhismaha dugsi Islaami ah

daajis.com:- Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo ku-xigeenkiisa Willaim Rutto, ayaa lacag  gaareyso Hal Milyan oo Lacagta Kenya ah, ku bixiyay dhismaha Madaraso lagu magacaabo HADADO ISLAMIC CENTER (HIC) oo ku taallo galbeedka magaalada Wajeer.

Hoogaamiyaha Golaha Aqlabiyada ee Baarlamaanka dalka Kenya, Aadan Bare Ducaale ayaa sheegay in min 500 (Shan Boqol oo kun) oo lacagta Kenya ah uu midkiiba bixiyay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Kenya.

Aadan Bare ayaa sidoo kale lacagtaas oo isku geyn aheyd hal Milyan kusoo hor-bandhigay dad-weyne tiro badan iyo Mudanayaal ka tirsan dowlada Kenya oo shalay ka qeyb galay xaflad tabarucaad loogu sameynayay Xarunta Islaamiga ah ee Hadado, isagoona sidoo kale ka codsaday dadka Kenyan-ka ah iney iskaashadaan, isla markaasna ay ka fogaadaan wax kasto oo dhibaato u keeni karo.


“Waxaan ka codsanayaa dadka Kenyan-ka ah, in ay midnimo muujiyaan. Anagu hadii aan nahay Muslimiin waxaan rabaa in aad ogaataan; dowladu waxey ka turjumeysaa maslaxada ama danta dadka, waxaaa xubin ka nahay dowlada Madaxweyne Uhuru Kenyatta, hadii aanu nahay xildhibaanada laga soo doortay deegaanadeena waxaan u adeegeynaa danta Muslimiinta mar walba”, ayuu yiri Mudane Aadan Bare Ducaale, oo hadalkaas jeediyay xili uu soo bandhigaayay lacagta ay madaxda sare ee Kenya oga qeyb qateen dhismaha Madarasadaas.

Hoggaamiyaha golaha tirada badan ee baarlamaanka wadanka Kenya Aadan Bare Ducaale oo ah masuulka saddexaad ee ugu sareeyo wadankaan Kenya, ayaa ku amaanay madaxda Kenya qaabka ay oga qeyb qataan horumarinta xarumaha waxbarashada, isagoona sidoo kale ku dhaliilay hay’addaha inta badan jawaabaha qaldan ka bixiyo lacagaha loo aruriyo xarumaha Islaamiga ah ee ku tilmaamo in lacagahaas lagu taageero ururo argagaxiso.

Dhanka kale Aadan Bare, ayaa ku dhaliilay dowlada Mareykanka qaabka ay oga soo hor-jeedsatay in Maxkamada Caalamiga ah ee Dambiyada Dagaalka ee (ICC) ay baaritaano ku sameyso xad-gudubyada ay Israa’iil u geystay dadka Falastiiniyiinta ah, isla markaasna ay u taageertay in Madaxda Kenya lagu Maxkamadeeyo ICC.

Ugu dambeyntii, dowladda Kenya ayaa horay u ballan-qaaday in gobalada Muslimiintu ay dagaan ee ku yaallo wadanka Kenya ay ka fulin doonaan Mushaariic hor marineyd, si ay oga dhigto xubin ka mid ah sideeda gobal ee Kenya ay ka kooban tahay.

Najah Mohamed Ali



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada