Daawo Sawir laga sameeyay Wasiirada Xukuumada Somalia oo Baakad lagu sido iyo R/Wasaaraha oo yaaban!!

Daawo Sawir laga sameeyay Wasiirada Xukuumada Somalia oo Baakad lagu sido iyo R/Wasaaraha oo yaaban!!

daajis.com:- Kaartooniistaha Soomaaliyeed ee Amin Caamir oo inta badan looga bartay soo bandhigida Sawirada ka turjumaya Siyaasada Soomaaliya, ayaa markan soo saaray Sawir layaab wata oo ka turjumaya Wasiirada la filayo in lasoo magacaabo oo kartoono lagu wato.

Sawirka waxaa ka muuqda Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh , Faarax Cabduqaadir iyo Shariif Xasan oo kartoon mid kasta uu ku wato wasiirada uu rabo in lagu soo daro liiska Golaha Wasiirada ee la filayo in dhawaan lasoo magacaaabo.



Waxaa sidoo kale Sawirka Amin Arts sameeyay uu ka turjumayaa in Liiska Golaha Wasiirada ay qeyb ku leeyihiin Wadamada Dariska la ah Soomaaliya, kuwaa oo iyana soo gudbinaya magacyada xubnaha ay rabaan in lagu soo daro Golaha wasiirada si ay dantooda ugu fushadaan.

R/Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo isna warqad cad meel la fadhiya ayaa la yaaban Wasiirada nin walbo wato ee la doonayo in lagu soo daro Golaha Wasiirada Xukuumada uu soo dhisayo. 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada