daajis.com:-Qorshe lagu doonayay in mushaar hal bil ah looga leexsado kumnaan ciidamada Booliska Soomaaliyeed ah oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa fashilmay markii qaar ka mida ciidamadaasi ay su’aalo iyo qeylo dhaan ka keeneen mushaar qeybin dhammaadkii bishii hore ee Disember loo bilaabay in lagu siiyo mushaar saddex bilood ah.
Qorshahan ayaa salka ku hayay in ciidamada Booliska la siiyo lacag dhan 260 Doolar, iyadoo laga saxiixayo saddex bilood oo ahaa mushaarkoodii ka maqanaa, waxaana arrintaas go’aankeeda ka yimid taliska iyo madaxda sare ee Booliska oo qaarkood ay ciidamada Booliska u sheegeen in lacag mushaar ah oo dhan 130 Doolar looga jarayo kharash ku baxay munaasabadii dabaaldegga ciidamada Booliska.
Ciidamada Booliska ee qeybta Bari, Gobolka Banaadir ayaa lagu bilaabay in la siiyo laba bilood mushaarkood iyagoo laga saxiixayo saddex bilood, muran ka dhashay arrintaasi iyo qaar ka mida ciidamada oo dood ka keenay arrintaasi ayaa la gaarsiiyay wasaaradda arrimaha gudaha iyo madaxtooyada.
Kadib markii arrintii soo farageliyeen wasaaradda arrimaha gudaha iyo Madaxtooyada ayaa la sheegay inuu fashilmay qorshihii mushaar leexsiga ahaa oo ay ku lug lahaayeen saraakiil sare, waxaana la amray in dib laga bixiyo bisha u harsan ciidamada Booliska, haddana la sii wado labada bil ee la siinayo.
Xubno ka tirsan ciidamada Booliska ayaa sheegay inay weli ka cabsi qabaa in bishaasi xuquuqdoodii la duudsiiyo iyadoo aanay aamin ku qabin sababta loo kala reebay lacag ay ahayd in la wada bixiyo.
Hore ayay u dhacday in ciidamada kala duwan ee dowladda ay ka daahdo lacagaha mushaarka kadibka is daba marin ku dhacdo. Xildhibaannada Baarlamaanka iyo shaqaalaha rayidka ah ee dowladda ayaa laf ahaantooda ka cabanaya in mar waliba ay jirto laba bilood oo wareegeysa oo aan la siin wax mushaar ah, markastaba ay dhacdo inay laba bilood ka maqan tahay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:30 and have
, Published at