daajis.com:- Banaanbax ballaaran oo ka dhan ah Dowladda Faransiiska, ayaa waxa uu maanta ka qabsoomay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Banaanbaxayaasa, ayaa socod ku soo maray wadooyinka ugu muhiimsan ee Bartamaha Magaalada Baydhabo, waxayna ku qaylinayeen ereyo ka dhan ah Dowladda Faransiiska iyo Wargeyska Charlie Hebdo, oo ka soo baxa Magaalada Paris.
Hormuudkii banaanbaxayaasha, ayaa waxay Dowladda Faransiiska ku eedeeyeen inay taageersan tahay, in Wargeyska Charlie Hebdo uu aflagaado u geysto Nabi Muxamed (NNKH).
Banaanbaxayaasha, ayaa waxay gubeen sawirka Madaxweyne François Hollande iyo Calanka Faransiiska, iyagoo ku muujinaaya sida ay kaga soo horjeedaan aflagaadada ka dhanka ah Suubanaha.
Faransiiska, ayaa dhaleeceen kulul kala kulmaaya dunida Muslimka, waxayna Muslimiintu ka digtay in la kiciyo dareenka bulshada Islaamka, si aanu hadhow qal-qal ugu imaan xasiloonida dalalka Reer Galbeedka
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:07 and have
, Published at