Daawo Sawirada:- Dagaal-yahanada Xuuthiyiinta oo si buuxdo ula wareegay Madaxtooyada Dalka Yemen

Daawo Sawirada:- Dagaal-yahanada Xuuthiyiinta oo si buuxdo ula wareegay Madaxtooyada Dalka Yemen

daajis.com:- Dagaal-yahanada Xuuthiyiinta, ayaa waxay gelinkii dambe ee maanta ay si rasmi ah ula wareegeen gacan ku haynta Madaxtooyada Wadanka Yemen, markii ay isku gadaameen barqanimadii maanta.

Waxaa burburay heshiis xabad joojin ahaa, oo ay xalay kala saxiixdeen Dowladda Yemen iyo Dagaal-yahanada Xuuthiyiinta, waxayna taasi keentay in markale ay isku fara saaraan Magaalada Sanca.

Ciidamada Dowladda, ayaa baneeyay Qasriga Madaxtooyada ee Magaalada Sanca, xilli uu culeys xoogan ka soo fuulay dagaal-yahano u daacad ah Shiicada Yemen.

Korneyl Saleh al-Jamalani, Taliyaha Ciidamada Ilaalada ee Madaxtooyada Yemen, ayaa wuxuu sheegay in laga fara maroojiyay Dhismaha Xarunta Madaxtooyada, ayna la wareegeen Xuuthiyiinta.

Madaxweynaha Yemen Abed Rabbo, ayaa waxay wararku sheegayaa in uu ka maqnaa Qasriga Madaxtooyada, kolkii uu iska horimaadku ku dhex maraayay Ciidamada Dowladda iyo Xuuthiyiinta.

Tani, ayaa waxay qal-qal gelineysaa bulshada reer Yemen, oo muddooyinkaanba ka walaacsanaa is-mari waagii u dhaxeeyay Dowladda iyo Xoogaga Xuuthiyiinta.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada