daajis.com:- Booliska Kenya ayaa u isticmaalay gaaska dadka ilmada ka keena arday wax ka barata mid ka mid ah iskuulada ku yaal magaalada Nairobi kadib markii ay ardaydaasi banaanbax ka sameeyeen garoon ay ku ciyaari jireen oo la iibiyay.
Ardaydan oo dib ugu soo laabatay iskuulka Lang’ata kadib labo toddobaad oo ay macalimiintu shaqo joojin sameeyeen ayaa ku arkay iskuulkooda garoonkii ay ku ciyaari jireen oo xeyndaab lagu wareejiyay.
Dugsigan oo ay wax ku bartaan illaa kun arday ah oo da’adoodu u dhexeyso saddex illaa iyo 14 sano jir ayaa waxaa gacanta ku haya golaha deegaanka Nairobi. Dhowr carruur ah ayaa ku dhaawacantay kadib markii ay ciidamada Booliska isku dayeen inay joojiyaan banaanbaxa waxana carruurtaas loo qaaday isbitaalada.
Sidoo kale banaanbaxan ayaa waxa uu dhaawac ka soo gaaray mid ka mid ah ciidamadii Booliska ee isku dayay inay carruurtan kala eryaan. Banaanbaxa ayaa waxaa sidoo kale ka qeybqaatay macalimiinta dugsiga iyo dad u dhaqdhaqaaqa arrimaha siyaasada. Taliyaha kumeelgaarka ah ee ciidamada Booliska dalka Kenya Samuel Arachi ayaa amray in shaqada laga joojiyo sarkaalkii madaxda u ahaa ciidamadii Booliska ee xoogga u isticmaalay ardaydii banaanbaxaysay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 12:56 and have
, Published at