daajis.com:- Sii-hayaha wasiirka Warfaafinta iyo Hannuuninta Dadweynaha Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa maanta ku booqday bukaano qaba cuduro kala gedisan qaar ka mid ah xeryaha barakacayaasha ee gobolka Banaadir.
Mustaf Sheekh Cali ayaa waxa uu tegey kaam ku yaal deegaanka Sarkuusta ee duleedka magaalada Muqdisho halkaa oo uu kula kulmay waalidiinta wiil yar oo lix bilood jir ah lana yiraahdo Abuukar Isaaq Axmed kaas oo xubinta taranka ka xanuunsanaya kaddib markii ay dilaacday qeybta kaadi heysta.
Kadib markii uu qiimeeyay siihayaha wasiirka warfaafinta xanuunka haya wiilkan yar ayuu u soo qaaday Xarunta Takhasusiga Dr Dufle halkaa oo sidoo kale geeyay labo gabdhood oo walaalo ah kuwaasoo uu hayo mid ka mid ah cudurada maqaarka.
Dr Cismaan Maxamuud Dufle ayaa baaritaan ku sameeyey Abuukar Isaaq Axmed oo lix Bilood jira iyo weliba Sacdiyo Cismaan Cali oo 13 jira ah iyo Nimco Cismaan Cali oo 11 Jir kuwaasoo qaba cudur maqaarka ku dhaca una baahan gurmad caafmaad oo deg deg ah.
Baaritaan kadib ayaa Xarunta Takhasusiga Dr Dufle waxa ay ka warbixisay xaaladda caafimaad ee bukaannada saddexda ah, waxayna xaruntu u cadeysay Sii-hayaha Wasiirka Warfaafinta iyo Hannuuninta Dadweynaha in ay u baahan yihiin gurmad caafmaad oo dibedda ah xanuunada hayana aan dalka gudihiisa wax loogaga qaban karin.
Sii hayaha Wasiirka Warfaafinta iyo Hannuuninta Dadweynaha Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisa in ay gacan ka geystaan sidii loo badbaadin lahaa carruurtan dhibaateysan oo u baahan daweyn dibadda ah, waxana uu intaa raaciyey in ay diyaar u yihiin wasaarad ahaan in bulshada loo bandhigo macluumaadka arrintaan.
Ma aha markii ugu horeysay ee uu Sii-hayaha wasiirka warfaafinta uu ku booqdo guryaha ama isbitaaladaba dad danyar ah oo ay dhibaato caafimaad hayso. Waana mid aan hore loogaga baran in mas’uuliyiinta Soomaliyeed ay u dhaqaaqaan in ay soo bandhigaan dad danyar ah oo ay dhibaato haysato.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 12:59 and have
, Published at