daajis.com:- Waxaa Maanta Xerada tabarka Ciidanka Jaziira ee Duleedka Magaalada Muqdisho ka dhacday munaasabad lagu dalacsiinayay ciidamo katirsan kumaandooska Dowlada Soomaaliya ,kuwaa oo dhawaan soo dhameestay tababar ciidanimo.
Munaasabada lagu dalacsiinayay Ciidamada katirsan kumaandooska Dowlada Soomaaliya waxa aka qeyb galay saraakiil sarsare oo katirsan Ciidanka Milatariga Soomaaliya uu ugu horeeyay Taliyaha Ciidanka Xooga Jen. Dahair Indho Qarshe iyo Saraakiil kale oo isugu jira Soomaali iyo ajaaniib.
Taliyaha Ciidanka Xooga Soomaaliyeed ayaa munaasabadaasi ku dalacsiiyay qaar ka mid ah askartaasi oo uu ka dhigay Alilfle iyo laba alifle, kuwaa oo markii hore ahaa dablayaal, waxaana dalacsiinta kaddib lagu dhaariyay Taliyaha hortiisa ciidankaasi.
Sareeyo Guuto Daahir Aadan Cilmi “Indho qarshe” Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo hadal ka jeediyay xafladda ayaa kula dar daarmay ciidamada in waxyaabaha ay barteen ugu adeegaan shacabka oo ay ka difaacaan cadowga, isla markaana ay xoojiyaan muhiimada ay leedahay dhaqan galinta sharciga askariga looga baahanyahay, ayna ka fogaadaan wax kasta oo dhaawici karta sharafta Ciidanka.
Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ayaa dib loo aas aasay waxaana ciidamo katirsan kumaanooska tababar heerkoodu sareeyo ay bixinayaan Sarakiil reer Galbeed ah ku qaateen Xerada Jaziira ee Duleedka Magaalada Muqdisho.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:30 and have
, Published at