daajis.com:- Warar lagu kalsoonaan karo oon heleyno ayaa sheegaya in Ciidamada booliiska Soomaaliya ay maanta xabsiga dhigeen Gudoomiyihii Degmada Xamar-Weyne Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir(Carab) iyo mid kamid ah kuxigeenadiisa.
Masuuliyiintan katirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xarigooda la amray kadib markii lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen raashin la musuq maasuqay oo loogu tala galay dad curyaamiin ah oo ku dhaqan Gobolka Banaadir.
Xeer ilaalinta qaranka ayaa amartay xariga Masuuliyiintan sida aan wararka ku heleyno, waxaana hada su’aalo laga weediinayaa musuq maasuqa lagu eedeeyay in ay ku kaceen Gudoomiyaha Degmada Xamar-Weyne iyo mid kamid ah ku-xigeenadiisa.
Ma jiro wali wax war ah oo kasoo baxay maamulka Gobolka Banaadir iyo xeer-ilaalinta qaranka oo ku aadan xariga maanta loo geestay Gudoomiyaha Degmaa Xamar-Weyne Cubduqaadir Carab iyo mid kamid ah kuxigeenadiisa.
Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:00 and have
, Published at