Daawo Sawirada:- Dhismaha Cusub ee Garoonka Aadan Cadde oo lagu dhajiyay Sawirada Xasan Sheekh iyo Erdogan

Daawo Sawirada:- Dhismaha Cusub ee Garoonka Aadan Cadde oo lagu dhajiyay Sawirada Xasan Sheekh iyo Erdogan

daajis.com:- Waxaa Maalinta berito ah la filayaa in Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho uu kasoo dago Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyib Erdogan , oo markii labaad safar ku imaanaya Magaalada Muqdisho.

Waxaa shalay Garoonka Aadan Cadde kasoo dagay Ciidamo ilaalo u ah Madaxweynaha Turkiga iyo xubno u qaabilsan Baratakoolka, waxaana la filayaa in maalinta Berito Garoonka Aadan Cadde kasoo dagaan Madaxweynaha Turkiga iyo Wafuud uu hogaaminayo.

Dhismaha Cusub ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo qeybo badan oo garoonka kamid ah ayaa lagu xardhay Sawirada Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo kan Turkiga, waxaa sidoo kale la suray Garoonka Calamada Soomaaliya iyo Kan Turkiga.

Waxaa la filayaa in Maalinta Berito Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan, ay xariga ka jaraan dhismaha Cusub ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde oo ay dib u dhis ku sameesay Shirkada Favori ee laga leeyahay Dalka Turkiga.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada