Daawo Sawirada:- Ra'izul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta shir gudoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia

Daawo Sawirada:- Ra'izul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta shir gudoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia

daajis.com:- Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federalka ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa maanta shir guddoomiyey kulankii caadiga ahaa ee xubnaha golaha Wasiirrada, waxana kulanka looga hadlay Amniga dalka, soo dhaweynta Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan oo maalinta berri ah kusoo wajahan magaalada Muqdisho, iyadoo R/wasaaruhu dar-daaran guud siiyey xubnaha golaha Wasiirrada.

Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiweli, oo kulanka kadib Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ammaanka dalka uu si weyn u soo hagaagayo ka dib markii la qaaday tallaabooyin lagu adkaynayo ammaanka qaranka oo ay iska kaashadeen ciidamada ammanaka iyo shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in laga hortagay weeraro ay kooxaha nabadda diidan doonayeen in ay ku carqaladeeyaan amniga qaranka, gaar ahaan gobollada Banaadir, Bay, Bakool iyo Shabellaha Hoose.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa xusay in Goluhu uu ka hadlay soo dhaweynta Madaxweynaha dalka Turkiga oo maalinta berri ah booqasho rasmi ah ku iman doono Soomaaliya, iyadoo soo dhaweyn heer sare ah loogu sameyn doono dalka inta uu joogo, isla markaana uu xariga ka jari doono mashaariic muhiim ah oo kamid yahay dhismaha qeybo kamid Garoonka Aaden Cadde.

“Dalka waxaa maalinta berri ah soo gaari doono Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan, waxana mudada uu joogo xariga uu ka jari doonaa mashaariic uu kamid yahay garoonka Muqdisho, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu u saaray guddi wasiirro ah oo qaabilsan soo dhaweynta wafdiga, Madaxweyne Erdoğan inta uu dalka joogo waxaa dhici doono heshiisyo dhowr ah oo dowladdu la geli doono dalka Turkiga” ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda Ridwan Xaaji Cabdiweli.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa uga mahadceliyey xubnaha Golaha Wasiirrada ee xilalka sii-haya dadaalkii iyo shaqooyinkii faraha badnaa ee ay soo qabteen mudadii ay xilka hayeen, wuxuna faray in loo baahan yahay xiligan in ay qeyb ka qaataan sidii dalku horey ugu sii socon lahaa, loogana gudbi lahaa aragtiyada kala duwan ee sababaya dib u dhaca dalka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada