daajis.com:- Ciidamada Dowladda Somaliya, ayaa waxay xalay hawlgal ballaaran oo burburin ah ay ka sameeyeen Wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho.
Hawlgalka, ayaa ahaa mid si gaar ah loogu bartilmaameydsanaayay san-daqadaha ganacsi ee ku yaala wadada hareeraheeda, iyadoo Ciidamada Dowladda la arkaayay iyagoo muddo 30 daqiiqadood ah ganacsatada siinaayay, inay agabyadoodu ugala baxaan, haddii kalana la burburin doono.
Ciidamada Dowladda, ayaa waxaa sidoo kale la arkaayay iyagoo burburin kula kacaaya san-daqadaha qaarkood, xilli ay ku dhex jireen alaabo ganacsi oo ay lee yihiin dad aan itaal badnayn.
Dadkii goobaha ganacsiga ku lahaa hareeraha Wadada Maka Al-Mukarama oo qaarkood maanta la hadlay Warbaahinta, ayaa waxay Dowladda Somaliya ku dhaliileen inaanay si wanaagsan ula macaamilin.
Ganacsatada qaarkood, ayaa waxay sheegayaan in noloshoodu ay ku tiirsanayn ganacsigaasi, xilli ay Dowladdu ku dhaliileen inay horeyba u adkeysay noloshii ka jirtay Magaalada Muqdisho.
Dowladda wax jawaab ah kama bixin eedeymaha kaga yimid ganacsatada.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:30 and have
, Published at