daajis.com:- Gudoomiyaha degmada Xamar weyne C/qaadir Maxamed C/qaadir ayaa sharci darro ku tilmaamay xarig shalay loo geystay, isagoo cadeeyay in aanu raali ka noqoneyn in si sharci daro ah xoriyada looga qaado.
“Xarigaas mid kooban ayay aheyd, waa sharci daro oo aan nidaam iyo sharci midna loo soo marin, waxaa u mahad celinayaa dadaalkii uu Maamulka Gobolka Banaadir ka geystay sii deynteeda”ayuu yiri Gudoomiyaha degmada Xamar weyne.
Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa been abuur ku tilmaamay waxyaabihii lagu soo eedeeyay isaga iyo Gudoomiye kuxigeenka arrimaha bulshada oo ahaa eedeynta ka timid Kuxigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud oo aheyd inay lunsadeen raashin gargaar ah.
“Waxaa mar walba raalli ka nahay dowladnimada iyo isla xisaabtanka, waa u hogaansameynaa wixii sharci loo soo maro, laakiin sharci darro marnaba ma ogolaaneyno”ayuu hadalkiisa ku soo daray Gudoomiyaha degmada Xamar weyne.
Dhinaca kale Odayaasha Beelaha Banaadiriga ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay qaabkii loo soo maray xariga Gudoomiyaha degmada Xamar weyne iyo halka lagu xiray oo aan aheyn meel munaasib, maadaama saldhig ku yaal degmo kale lagu xiray.
Odayaasha ayaa sheegay in habkii Maamulka degmada Xamar weyne uu u qeybiyay raashinka ay aheyd arrin sax ah, balse qaabka xarigiisa loo maray ay aheyd mid sharci ah, waxaana la sheegayaa in Maamulka degmada ay si cadaalad ah u bixiyen gar-gaarkaas, hase ahaatee dadkii la siiyay ee mudnaa ay suuqa geystaan si ay u iibsadaan, taasna ay keentay in raashinkii suuqa lagu iibinayay in la arko, dabadeedna la soo qabto.
Xafiiska Xeer ilaalinta Guud ee Qaranka ayaa sheegay inuu wado qorshayaal uu kula dagaalamayo musuq maasuqa, hase yeeshee waxaa horay u jiray in Hey’adaha dowladda horay loogu helay arrimo musuq maasuq ah, isla markaana aanay jirin wax tallaabo ah oo uu xafiisku ka qaaday.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:00 and have
, Published at