daajis.com:- Dhaqdhaqaaqa hubeysan ee Al-shabaab ayaa kaalinta labaad ka soo galay tobanka kooxood ee dhanaka argagixisada ugu khattarsan adduunka bishii la soo dhaaafay, marka laga eego dhaqdhaqaaqa kooxaha argagixida adunida.
Warbixntaan oo ay soo saartay xarunta intel Center, ayaa waxaa lagu sheegay in kooxda la magac baxday Dowladda ISlaamiga ah ee Suuriya iyo Ciraaq ka dagaallanato ay kaalinta koowaad ka galeen ururadda ugu khatarta badnaa dunida bishii la soo dhaafay, halka dhaqdhaqaaqa Al-shaabaab oo isna ka dagaallama Soomaaliya, iyo Kenya horayna qaraxyo uga fuliyay waddanka Uganda uu kaalinta labaad galay. Boko Xaraam oo Najeria ka dagaallanta xiriirna la leh urur weynaha Al-qaacida.
Intel Center oo ah xarun gaar looleeyahay oo ka faalloota arrimaha argagixisada, o xogta ka hesha xarunta dhexe ee wardoonka mareykanka ee CIA,da ayaa waxa ay xogtooda ku saleysan tahay, weeraradda ay kooxahaan fuliyeen bishii la soo dhaafay.
Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ayaa lagu qiyaasay in ay %17.5 ay ka matalaan weeraradii argagixisada ee dhacay 30kii maalin ee la soo dhaafay. Halka %20.7 ay kooxda Daacish matasho. Boko Xaraam ayaa 9.5% kaalinta saddexaad ku gashay.
Kooxaha Daalibaan, Ansaari Shariica, Jabhatu-AlNusra, Alqaaciddada Jasiiradda Carabta, Daalibaan Pakistan, ayaa dhammaan soo wada galay tobanka koox ee ugu khattarta badnaa ee sodonkii maalin ee la soo dhaafay.
In kasta oo ay hoos u dhaceen weerarada ay Al-shabaab ka geystaa magaalada Muqdisho kadib markii ay dagaalyahannada Alshabaab ay ka baxeen dhammaadkii 2011, haddana wali waxaa jira weeraro joogta ah oo ay ka fuliyaan magaalooyinka iyo xeyaha ciidamada ay gobollada koofurta iyo bartamaha ku leeyihiin ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:30 and have
, Published at