Ciidamada New Police iyo maleeshiyo beeleed maanta ku wada dagaalamay Gobolka Hiiraan

Ciidamada New Police iyo maleeshiyo beeleed maanta ku wada dagaalamay Gobolka Hiiraan

daajis.com:-Ciidamada New Police ee dalka Itoobiya, ayaa waxay saakay weerar ku qaadeen maleeshiyo beeleed ku sugnaa tuulada Jano Adduun, oo ku dhow deegaanka Deefow ee Gobolka Hiiraan.

Ciidamada New Police oo la socday sideed xabo oo gaadiidka dagaalka ah, ayaa waxay iska caabin kulul ay kala kulmeen maleeshiyadii ku sugneyd tuulada Jano Adduun, oo shalay ilaa xalay ay gaarayeen maleeshiyo qaab beeleed u abaabulnaa.

Hanad Maxamed Guure oo ka tirsan ragga horkacaaya maleeshiyada ku sugan tuulada Jano Adduun, ayaa ku waramaaya inay wado sax ah ku dagaalamayaan, isla-markaana ay diyaar u yihiin inay iska difaacaan, cid kasta oo soo weerarta.




“Saakay waaberigii ayay nagu soo weerareen deegaanka Jano Adduun, anagana waa iska difaacnay, xaq ayaan u lee nahay inaan iska difaacno, cid kasta oo gardaro nagu soo weerarta.” Ayuu yiri Hanad Maxamed Guure.

Sioo kale wuxuu yiri “Waxaan idin xaqiijin karaa in saddex ka mid ah Ciidankii New Police aan ku dilnay dagaalka, oo aan dul taaganahay, anagana ma jirto wax khasaaro ah oo na soo gaaray, sababtoo ah difaac baan ahayn.”

Hanad, ayaa ku waramaaya in Ciidamada New Police ku laabteen goobihii ay saakay weerarka ka soo qaadeen, isagoo intaa raaciyay in xaaladu ay kacsan tahay, dagaalo kalana ay halkaasi ka dhici karayaan.

“Waxay ku laabteen meelihii ay weerarka ka soo qaadeen, xiisadu way kacsan tahay, wayna soo rogaal celin karaan.” Ayuu yiri Hanad Maxamed Guure oo la hadlay Warbaahinta gudaha.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada