daajis.com:-Madaxweynihii hore ee Somalia, Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa magaalada Bristol ee dalka Britain xalay kaga dhawaaqay urur samafal oo lagu maga-caabay Samadoon Foundation.
Xaflada ku dhowaaqidda Ururkan sama fal ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Cadde, Gudoomiyaha Magaalada Bristol George Ferguson iyo Gudoomiyaha ururkan Samadoon Foundation Prof. Warfaa Xasan.
Gudoomiyaha Guud ee Ururkan Prof. Warfaa Xasan oo ugu horeyn ka hadlay waxyaabaha uu qaban doono ururkan ayuu sheegay inuu diiradda saari doono dib u heshiisiinta, waxbarashada iyo caafimaadka oo ah adeegyada aas aasi u ah bulshada.
“Ururkan cusub ee Samadoon Foundation wuxuu diiradda saari doonaa dib-u-hishisiinta, waxbarashada iyo caafimaadka,” ayuu yiri Prof. Wafaa Xasan oo ah guddoomiyaha guud ee ururkan samafal oo kulanka ka hadlay.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo howlo waxbarasho u jooga dalka Ingiriiska ayaa sheegay inuu muddo fog ka shaqeynayay sidii uu ururkan u dhisi lahaa, isla markaana ka baaraan-daggiisana uu bilaabay markii uu tagay magaalada Boston, kadibna Uganda iyo Imaaraadka Carabta.
“Markaan la tashiyo badan sameeyay aanan u arkay in loo baahan yahay in aan wax ka qabano, inuu sameeyay ururkan samafal oo howlihiisu ay ka mid yihiin in la helo dib-u-heshiisiinta dhab ah; calooshana la isku furo. Waxaa kaloo ka mid ah howlaha uu ururkan qaban doono, wax ka qabashada horu-marinta waxbarashada dalka baahi weyn loo qabo iyo caafimaadka oo isna ka mid ah waxyaabaha ay bulshada Soomaaliyeed dhibaatada wey u qabto, gaar ahaan dhallaanka iyo hooyada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Ugu dambeyn Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu ururkan samafalka ah ka madax-bannaan yahay siyaasadda, isagoo goobta u mahad-celiyay gabi ahaan madaxdii kasoo qaybgashay xafladda, fanaaniinta, bahdda saxaafada iyo dadweynihii kale ee goobjoogga ahaa.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:38 and have
, Published at