Ganacsatada Soomaaliyeed ee reer Dubai oo si Weyn u taageeray ollolaha ka hortaga Qaadka ee Soomaaliya(Sawirro)

Ganacsatada Soomaaliyeed ee reer Dubai oo si Weyn u taageeray ollolaha ka hortaga Qaadka ee Soomaaliya(Sawirro)

daajis.com:-Ganacsatada Soomaaliyeed ee wadanka Imaaraadka Carabta gaar ahaan magalada Dubai ayaa taageero balaaran oo hiil iyo hooba leh u muujiyay barnaamijka la-dagalanka qaadka ee Soomaaliya isla markasna uu hormuudka u yahay Gudoomiyaha la-dagalanka qaadka Mudane Abuukar Cawaale (Qaaddiid).

Gudoomiyaha la-dagalanka qaadka Abuukar Cawaale oo kusii jeeda dalka Soomaaliya ayaa Dubai kulamo kala duwan kula qaatay ganacsatadda Soomaaliyeed, kuwaasoo dhankooda sheegay inay aad ugu farax san yihiin in mar qura dalkii laga joojiyo qaadka oo saamayn dhaqaale,caafimaad iyo horumar ku yeeshay 25-kii sano ee lasoo dhaafay.

Sidoo kale Abuukar Cawaale ayaa hoyga uu ka degan yahay magalada Dubai ku booqday Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo ka mid ah Isimada Puntland, Islaanka ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay wax kasta oo umadda Soomaaliyeed dan ugu jirta in la qabto lagana hortago wax kasta oo dhib iyo xumaan u keeni kara, sidoo kale barnaamijka Qaadiid ayuu soo dhaweeyay isagoona u duceeyay inuu illaahay ku guuleeyo Abuukar Cawaale.

Docda kale ganacsatadii kusoo dhawaysay magalada Dubai ayaa balan qaaday inay garab istaagayaan Olalahan xoogan, taasoo dhalisay qaarkood inay tabarucaad balan qaadaan.




Gudoomiye Qaaddiid oo warbaahinta la hadlayay ayaa ka mahad celiyay taageerada lixaadka leh ee uu ka helay Ganacsatadda Soomaaliyeed ee Dubai iyo waliba ducadii Islaan Bashiir Islaan Cabdulle.

”Waxa aan kala kulmay dadka Soomaaliyeed ee reer Dubai waxay ii tahau dhiiro gelin weyn, Soomaalinimo iyo in Ganacsatada iyo shacabku diyaar u yihiin ineey Maal iyo moodba ku bixiyaan cidii ay u arkaan in uu howl muhiim ah u hayo Dalka iyo dadka Soomaaliyeed”

Kulan balaaran oo lagu taageerayo olalaha la-dagalanka qaadka ee Soomaaliya ayaa Maalmahan soo socda ka dhici doono magalada Dubay, halkaasoo lagu soo bandhigayo sida loo wajahayo barnaamijkan iyo in qof kasta oo Soomaali ah u istaago siduu uga qayb qaadan lahaa.

Ganacsatada uu Abuukar Cawaale la kulmay ayaa kala ahaa, Bashir khaliif, Axmed saandeyl, Ibrahim abdikarim, Feysal wahabi,Maxamud Bashir shaacuur, Maxamed cabdi kaafi,Salax yusuf Maxamed, Daauud Nuur, Baylood Ciise Xaaji faarax iyo Aqoonyahan Haybe Yusuf iyo Cabdisamad Yusuf Maxamed(abwaan)wasiirkii hore ee ganacsiga iyo wershedaha Puntland.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada