daajis.com:- Fowsiyo Yusuf Xaaji Aadan oo ah Gudoomiye Ku Xigeen kutladda Baarlamaanka ee Toosinka Talada Qaranka ayaa sheegtay in iyadu uusan ku jirin damac wasiirnimo, iyada oo Ra’isulwasaare Cumar Cabdirishii Kula Talisey in aanu soo celin wasiiradii hore.
Waxa ay dhanka kale ka hadashay Kutladda ujeedada loo dhisey oo ah in wax la saxo oo aan dalka carqalad lagu noqon.
Fowsiyo ayaa wareysiga ku sheegtay in ay doonayaan toosinta howl maalmeedkii wasaaradaha, Cadaaladda, caafimaadka, tacliinta, shaqo raadinta dadka dhalinyarada ah, hantida qaranka oo maqan, Ciidamada iyo arimaha dibadda.
Dalabka ugu weyn ee Kutladda Toosinta ee Cumar Cabdirashiid ay tahay in aanu soo celin wasiiradii hore oo ay sheegtey in ay diideen.
Fowsiyo waxa ay horey usoo ahayd Ra’isulwasaare ku xigeen, ahna wasiirka arrimaha dibada, waxaana aad loo hadal hayay maalmahani in ay ku jirtey dadka wasiirnimada loo filayay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:00 and have
, Published at