daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Turkiga iyo Masuuliyiin sar sare oo katirsan labad Dowladood ayaa goordhaw kormeer ku tagay Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho.
Waxaa Isbitaalka Digfeer ka dhacday Munaasabad balaaran oo lagu soo dhaweeenayo Madaxweynaha Dalka Turkiga iyo wafdiga lasocda, waxuuna Madaxweynaha Soomaaliya iyo kan Turkiga ay si wadajir ah u shaaciyeen in Isbitaalka Cusub oo furanyahay.
Isbitaalka Cusub ee Digfeer oo loogu magacdaray Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan,ayaa kamid noqonaya Isbitaalada ugu casrisan ee kuyaala Qaarada Afrika waxaana la filayaa in si rasmi ah dhawaan uu u howl bilaabo Isbitaalkaasi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:30 and have
, Published at