Daawo Sawirada:- Magaalada Warjeer ee Dalka Kenya iyo Edina ee Minnesota oo la Mataaneeya

Daawo Sawirada:- Magaalada Warjeer ee Dalka Kenya iyo Edina ee Minnesota oo la Mataaneeya

daajis.com:- Wafdi ka socday degmada Wajeer ee dalka Kenya oo ka koobanaa afar Wasiir  iyo ku xigeenka guddoomiyaha gobolka ayaa booqasho ku joogay maalmahan gobolka Minnesota ee dalkan Mareykanka, waxaana booqashadoodu la xiriirtaa sidii Wajeer loola mataaneyn lahaa magaaladda Edina.
Sidoo kale wafdiga ayaa tababar la xiriira dhinaca maamulka ku qaadanayay magaaladda Edina sida uu HOL u sheegay Dr. Siyad C/llaahi oo ka mid ah jaaliyadda Somali-Kenyanka ah ee ku nool gobolkan Minnesota.

Waxaa waftigaa ka mid ahaa  Saalax Aadan Wasiirka Maaliyada Wajeer, Yuusuf Geedi Wasiirka Biyaha, Ruqiya Kaahiye Wasiirka Caafimaadka ee Dowlad Gobelkeeda Wajeer Kenya iyo Gudoomiye Xigeenka Cabdihafid Yarow, waxayna madaxda magaaladda Edina uga warbixiyeen xaaladda gobolka Wajeer, gaar ahaan dhinacyada biyaha, dhismaha, waxbarashada iyo baahiyaha kala duwan ee guud ahaan ka jira dalka Kenya.

James Hovland oo ah duqa magaaladda Edina ayaa soo dhaweeyay wafdigan, wuxuuna ka dhageystay warbixinta ku saabsan gobolkaas iyo sida loo mataaneyn karo Wajeer iyo Edina, isla markaana ay dadka ku nool deegaankaas ay uga faa'iideysan lahaayeen adeegyada iyo taageerada ay ka heli karaan Edina, gaar ahaan qaabka biya galinta, dabdamiska, waxbarashada, caafimaadka yo maamulka.

Xildhibaadanada kala ah Raymond Dehn iyo Jeff Hayden oo laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa iyaguna sheegay inay ku faraxsan yihiin booqashada wafdiga iyo mataaneynta labada deegaan.

Sanadkii hore ayaa duqa magaaladda Edina wuxuu ballan qaaday in la mataaneyn  doono labada deegaan, isla markaana ay is dhaafsan doonaan aragtiyo iyo mashaariic ku saleyan horumarka labada dhinac, kaddib markii uu la kulmay Gudoomiyaha Gobolka Wajeer Axmed Cabdulahi iyo Xildhibaanka laga soo doorto Wajeer Cabdiraxmaan Xasan Colow oo booqasho ku yimid Minnesota.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada