daajis.com:- Waxay Somalia kasoo kabanaysaa hadimadii gaaray. Ciidamada qalabka sida waxay si wadajir ah ula hawl-galayaan kuwa Midowga Afrika, iyagoo dib-u-hantay inta badan xarumaha dadweynaha Soomaaliyeed iyo kaabayaasha muhiimka ah oy ka mid yihiin; dekadda Baraawe, isla markaana qaab-dhismeedka dawladdeenna ayaa ku tallaabsanaya horumar weyn muddo kooban; marka la eego awoodda iyo fulintooda, si loo xaqiijyo Higsiga qorshaha ee 2016–ka, kaasoo aynu qaban doonno doorashooyin guud oo aynu si dhab ah u xaqiijin doono.
Mid ka mid ah arrimaha aan soo xusayna suuro-gal ma noqoteen, hadddii aanan taageero iyo kaalmo deeqsinimo leh ka helin beesha caalamka, gaar ahaan dalka Turkiga iyo madaxweynihiisa; isagoo tusaale waafi ah u noqon kara kaalinta wax-ku-oolka ah ee ay ka qaateen dib-u-soo-kabashada dalka.
Dowladda Turkigu waxay soo bandhigtay horumar baahsan oo dhinacyo badan taabanaya, iyadoo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaliyeed fursad u siisay inay ka wada faa’iidaystaan wax qabadka ku salaysan ajandada lahaanshaha bulshada, taasoo sare u qaadday dareenka shacbiga, kalsoonida iyo niyad-samida ay u hayaan taageeradooda joogtada ah. Wuxuuna Turkigu si buuxda isu waafajiyay baahida jirta, isagoo isku-dhafaya dadaallo kala duwan oo ku wjahan hab-raacyada taabbo-gelinta horumarinta ee ay ka mid yihiin; gargaarka bini’aadminnimada, horumarinta mashaariicda iyo hirgelinta maalgashiga dalka.
Sidoo kale, dowladda Turkigu waxay kaloo xaqiijisay in taabbo-gelinta iyo joogtaynta horumarintu aysan ahayn oo keliya amarro dibadda laga soo waariday, baahida ka tarjumaysa jaran-jarada siyaasadda, taasoo marna talaabo la qaadayo. Balse hawlgalka Turkigu waa mawjad mashaariic ah oo mar keliya la wada hirgelinayo, waxayna ku dhisan tahay awood dabiici ah, iyadoo safka hore ay hawlgalladaas kaga jiraan dadweynaha Soomaaliyeed. Wuxuu Turkigu maal-geliyay kaabayaasha dhaqaalaha, sida isbitaallada, dib-u-dhiska dhismayaasha hantida dowladda iyo qodista ceelasha. Waxay tababarro u fidiyeen Dhakhaatiirteenna, macallimiinta iyo shaqaalaha rayidka ah.
Turkigu waaxay deeqo waxbarasho u fidiyeen in ka badan 1,000 arday oo Soomaaliyeed, iyadgoo fursad u siiyay inay ubadkennu dibadaha aqoon dheeraad ah ka soo qaataan. Waxay dalka soo galiyeen ganacsi is-beddelo lixaad leh ku sameeyey muuqaalka magaalada Mogadishu, isla markaana ku dhiirri-geliyay inay shirkado fara badan dalka yimaadaan, ayna is-bedel ku sameeyaan maalgashiga iyo mashaariicda wax-soo-saarka dalka, ayna ka mid yihiin; soo celinta adeegyada dekedda iyo garoonka diyaaradaha oo sare u qaadday dakhliga iyo dhaqaalaha dalka. Maanta, imaatinka rakaabka la socda shirkadda Turkish Airlines’ ee hawada Mogadishu kasoo dagaysa, waxay si joogto ah inoo xusuusinaysaa xasilloonida sii kordhaysa iyo kalsoonida aynu ku qabno taageerada deeqsinnimada leh ee Turkigu noo fidinayo.
“Turkigu marna ma joojinayo maal-gelinta taageeradooda illaa inta dalka ay xasillooni buuxda uu dalku ka gaarayo, waxayna maalkooda u hurayaan sidii uu dalku horumar taam ah ku xaqiijin lahaa. Halka maal-geliyayaasha kale ee caalamiga ahi ay qorshohooda ka hirgaliyaan meelo kale oo dunida ka mid ah, waxayna Turkigu dadkooda u soo diraan gudaha Soomaaliya, iyagoo sare u qaadaya xaddiga ugu sarreeya ee khibradda iyo dhaqaalaha maalgelinta ku habboon,” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Dhanka kale, wuxuu sheegay in hay’adaha gargaarka ee Turkigu ay si toos ah taageero u gaarsiiyaan dadka tabaalaysan, si ay u kordhiyaan saamaynta waxtarka leh ee ay adeegyadaasi u leeyihiin. Waxanan tusaale u soo qaadan karnaa Tababarrada ay ka fuliyaan isbitaallada Mogadishu, wuxuuna Turkigu ku qalabeeyey isbitaalka 400-sariirood, iyagoo tabbabaro xiriir ah u fudinaya dhakhaatiirta Mogadishu ka hawlgala, si sare loogu qaado khibraddooda dhinaca gargaarka caafimaadka ee ay bukaannadu u baahan yihiin. Tallaabooyinkani waxay daah-fureen in hay’adaha horumarinta Turkigu ay ku sifoobaan la hawl-galayasha ugu haboon ee si siman ula shaqeeya hay’adaha dawladda, bulshada maxaliga ah iyo ganacsatadaba.
Isku soo wada duuboo, madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan wuxuu kaalin hormuudnimo ka qaatay hawlgalkaas. Laga soo bilaabo illaa horraantii sannadkii 2011-kii isagoo xilligaas ahaa ra’iisul wasaare, ayaa waxa uu booqasho ku yimid dalka Soomaaliya– isagoo noqday mas’uulkii ugu sarreeyey ee darajadiisoo kale gaaray oo cagta soo dhiga dalkeenna in ka badan 200! Isaga ayaana indhaha caalamka ku soo jeediyey, wuxuuna shucladda u qaaday baaqii caalamiga ahaa ee sida tooska ah uu ugu soo bandhigay beesha caakamku inay wadajir ahaan uga qayb qaadato dib-u-dhalashada iyo horumarinta dalka Soomaaliya.
Ugu dameyn, madaxweynaha Somalia ayaa hadalkiisa kusoo xiray. “Laga soo billaabo dib-u-cuarashadaas, Turkigu wuxuu Soomaaliya ula dhaqmayey la-hawl-gale isku-dheellitiran, isagoo xurmaynayey codsiyadii kala duwanaa iyo mudnaan-siinta barnaamijyada dib-u-soo-kabashada ee ay Soomaalidu soo jeediyeen.”
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:30 and have
, Published at