Koox Xiriir La Leh Daacish Oo Weerar Fulisay

Koox Xiriir La Leh Daacish Oo Weerar Fulisay

daajis.com:- Ugu yaraan 26 qof ayaa ku dhimatay rabshada ka dhacay gobalka Waqooyiga Sinai ee dalka Masar kadib markii kooxa mintidiin ah ay weerara soo qaadeen.

Inta badan kuwa dhintay waxa ay ka tirsanyihiin xoogagga amniga.

Bara koontorool iyo saldhigyada milatariga iyo baliiska dhowr magaalooyin ayaa lagu weeraray hoobiyayaal, rasaas iyo ugu yaraan hal gaari oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Rabashadaha ugu badan waxa ay ka dhaceen magaalo madaxda gobalkaasi waqooyiga ee Al cariish.

Koox xariir la leh kuwa la magac baxay Dawaladda Islaamiga, ayaa sheegay in ay ka dambaysay weerarka.

Rabshadaha ayaa sii xoogaystay kadib markii xukunka laga tuuray madaxweyne Mursi sanaddii 2013-ka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada