Puntland oo ka digtay in Markabka hubka siday ee ku xirtay Dekeda Berbera inuu u gacan galo ..

Puntland oo ka digtay in Markabka hubka siday ee ku xirtay Dekeda Berbera inuu u gacan galo ..

daajis.com:- Maamulka Puntland ayaa sheegay inay si dhow ula socdaan Markab siday Hub iyo gaadiid dagaal, kaasoo 24-kii bishan ku xirtay Dekeda magaalada Berbera ee maamulka Somaliland.

Wasiirka Amniga Puntland Xasan Cismaan Maxamuud (Aloore) ayaa sheegay in hubka ka degay Berbera uu qatar ku yahay ammaanka guud ee Soomaaliya, isla markaana uu colaad hor leh sababi karo.

“Puntland waxay si dhow ula socotay markab sida hub iyo gaadiid dagaal oo bishii Janaayo 24 sanadkan 2015 ku soo xirtay dekeda Berbera, markabkaas oo maamulka Somaliland uu shaaciyay in markab hub iyo gaadiid dagaal sida oo si qaldan ugu soo xirtay dekeda berbera, isagoo aan wax ogolaansho ah ka heysan somaliland”ayuu yiri Wasiirka Amniga Puntland.

Sidoo kale Wasiirka Amniga Puntland ayaa sheegay in dowladdda Federaalka, dowladaha deriska ah iyo Beesha Caalamka ay ku wargelinayaan in hubkaas uu yahay mid qatar ah, isla markaana ay ka digayaan inuu u gacan galo Al-Shabaab.


“Waxaa ku wargelineynaa dowladda Federaalka, dowladaha deriska iyo beesha Caalamka in hubka ka degay Somaliland uu qatar ku yahay ammaanka Guud ee Soomaaliya, waxaa ka digeynaa inuu u gacan galo Al-Shabaab”ayuu yiri Wasiirka Amniga Puntland Xasan Cismaan Aloore.

Mar uu ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay ka wadaan Buuraha Galgala, ayuu sheegay in inta badan ay soo afjareen dagaalyahanadii ka tirsanaa Shabaab ee ku dhuumaaleysanayay buuraha Galgala, balse ay jiraan kooxo wali ku dhuumaaleysanaya Buuraha Galgala.

“Puntland waxay horay u sheegtay in Maamulka Somaliland uu xiriir la leeyahay Al-Shabaab, waxaan si gaar ah uga digeynaa in hubka ka degay Berbera uu u gacan galo, kooxaha wali ku dhuumaaleysanaya Buuraha Galgala”

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa dhowaan sheegay in hubka ku xirtay Dekeda Berbera ay baaritaan ku wadaan cida leh iyo halka uu ka yimid, iyadoo arrintan ay aheyd mid si aad ah loo hadal hayay.

Ma jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Somaliland oo ku aadan Markabkan iyo hubka uu siday, iyo in Somaliland qudheeda uu u siday, hase ahaatee waxaa horay u jiray warar sheegaya in qalabkii saarnaa Markabkasiday laga dejiyay Dekeda Berbera


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada