madaxii sirdoonka Al-Shabab oo DFS ballamihii uga baxday iyo khilaaf taagan

madaxii sirdoonka Al-Shabab oo DFS ballamihii uga baxday iyo khilaaf taagan

daajis.com:-Warar soo baxay, ayaa sheegaya in Madaxda Qaranka ay isku Khilaafsan tahay deysmada iyo xirnaanshaha Madaxii Sirdoonka Al-shabaab Zakariye Ismaaciil Xirisi.

Zakariye ayaa maalmo ka hor shaaciyay inuu ka tanaasulay fakirkiisa ku saleysnaa Mabda’a Maleeshiyada Alshabaab, isagoona dhanka kale DF Somalia ka dalbaday inay sugto amaankiisa, islamarkaana dib loo siiyo xoriyadiisa.

Sargaal ka tirsan laamaha amaanka DF, gaar ahaan kuwa ka howlgala Villa Somalia ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Xassan Sheekh uu gaashaanka ku dhuftay inaan lasii deynkarin Maxbuus Zakariye Ismaaciil.

Madaxweynaha ayaa la sheegayaa inuu amray in Zakariye dib loogu celsho Xabsigiisa, kadib markii uu walaac ka muujiyay inuu kusii shaqeeyo mabda’iisa.

Waxa uu dalbay in lagu biiriyo xarumaha ay ku jiraan Saraakiisha waaweyn ee kasoo goostay Maleeshiyada Alshabaab islamarkaana isku soo dhiibay Ciidamada DF Somalia.

Dhanka kale, Madax iyo Saraakiil ka tirsan Beesha uu kasoo jeedo Zakariye ayaa Madaxweyne Xassan ku dhaliishay inuu ka baxay balankii ahaa in la cafin doono Alshabaabkii isa soo dhiibo.


Waxa ay Madaxweynaha ku Khilaafeen in maxbuus uu DF usii ahaado Zakariye, maadaama uu ka tanaasulay Fakirkiisii ahaa Alshabaabnimo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada