Daawo:- “Dam-Jadiid ma fahamsana macnaha dimuqraadiyadda” Waxaa…

Daawo:- “Dam-Jadiid ma fahamsana macnaha dimuqraadiyadda” Waxaa…

daajis.com:-Xildhibaan Maxamed Maxamuud Axmed (Kula-lihi) oo ka tirsan Xildhibaaada Baarlamaanka Somaliya, ayaa wuxuu sheegay in dimuqraadiyadda Somaliya ay caqabad ku yihiin Urur Diimeedyo, aan wax badan ka garanayn dimuqraadiyadda.

“Nidaamka Dimuqraadiyadda faraa ku taagan, adduunka dhan waa sheeganayaa dimuqraadiya, anagana waxaa nagu soo wajahan Ururo Diimeed, aanan aaminsanayn dimuqraadiyadaas.” Ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Maxamuud Axmed.

Mudanaha, ayaa sheegaaya in Ururka Dam Jadiid iyo Ururo kale oo dalka ka jira, ay u baahan yihiin in laga dhaadhiciyo waxa uu yahay dimuqraadiyadda, si Somaliya looga badbaadiyo halista ay ku noqon karayaan.



“Waa in marka hore laga doodaa, laga sheekeeyaa, loo micneeyaa guddiga waxa loola jeedo dimuqraadiyadda. Maxaa yeelay hadda ayay nagu jiraan Damul Jadiid, Aala Sheekh, Ahlu Sunna Wal Jameeca, Jinni oo dhanaa nagu jira.” Sidaasi waxaa yiri Xildhibaan Kula-lihi.

Waxa uu ku celiyay in loo baahan yahay xilligaan in la barro waxa uu u taagan yahay Nidaamka Dimuqraatiga, haddii la filaayo in loo codeeyo Dastuurka Qabyo Qoraalka Somaliya iyo sida uu kaga bixi karo ku meelgaarnimada.

“Marka waxaa loo baahan yahay hadda in la barro dimuqraadiyadda, aftida markii la qaadaayo iyo doorashooyinka Qaranka. Waxaa soo socota aftidii loo codayn lahaa Dastuurka Ku meel gaarka ah (KMG) iyo siduu uga bixi lahaa KMG.” Sidaasi waxaa yiri Mudane Kula-lihi.

Urur Diimeedka Dam Jadiid, ayaa waxaa lagu tiriyaa inay ka tirsan yihiin ragga ku dhow dhow Madaxweynaha Dowladda Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada