daajis.com:- Madaxii sirdoonka Al-Shabaab, Zakariye Ismaaciil Xersi oo isku soo dhiibay dowladda Somalia ayaa bixiyay xog ku saabsan haweeneyda sida weyn loo raadinayo ee Samantha Lewthaite, taasoo ku dhuumaaleysaneyso keymaha Raaskambooni.
Warbixin lagu soo daabacay Wargeyska The Mirror ee kasoo baxa dalka Britain oo soo xiganaya saraakiil sirdoon ayaa sheegay in Dowladda Britain ay diyaarinayso ciidammo gaar u tababaran oo soo qabta Samantha Lewthwaite iyadoo la tix raacayo xogaha qarsoon ee uu sirdoonka Britain uu siiyay Zakariye Ismaaciil.
sakariye-ismaaciilZakariya ayaa laga soo xigtay in haweeneydan ay aad u ilaaliyaan ciidamo xoogan isla markaana ururka Al-Shabaab ay u tahay xubin sare, iyadoo diyaarisa kooxaha weerarada ka geysta gudaha dalka Kenya.
“Samatha waa sarkaalad muhiim u ah ururka Al-shabab; aad ayaana loo ilaaliyaa waxayna diyaarisaa kooxaha weerarrada ka geysta dalka Kenya,” ayuu u sheegay Zakariye xubnaha sirdoon ee uu la kulmay.
Madaxii sirdoonka Al-shabaab oo bishii hore isku soo dhiibay ciidammo ka mid ah kuwa dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo, ayaa Muqdisho kaga dhawaaqay inuu ka tanaasulay fikirkii qaldanaa ee Al-Shabaab, wixii hadda ka danbeeyana uu nabadda ka shaqeyn doono.
Samantha Lewthwaite ayaa loo haystaa arrimo argagixiso oo ka dhacay dalalka Britain iyo weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee xarunta ganacsiga Kenya Westgate in ay iyadu fududeysay, waxaana horay loo sheegay in lagu dilay dalka Ukraine, laakiin warbixintaasi ma noqon kuwo xaqiiqo ah.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:30 and have
, Published at