Madaxweynaha Jabuuti oo xarigga ka jaray garoon casri ah oo Jabuuti yeelaneyso

Madaxweynaha Jabuuti oo xarigga ka jaray garoon casri ah oo Jabuuti yeelaneyso

daajis.com:-Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhagax dhigay garoon diyaaradeed ee laga hirgelinayo jamhuuriyada Jabuuti, iyadoo guud ahaan dhismaha qiimaha dhismahiisa ku baxaya uu gaarayaa 600 milyan dollar.


Dhismaha garoonka waxaa maalgelinayo yabooh ka yimid hay' adda dhismaha hindisaada madaniga ee China {CCECC} iyadoo laga hergelinayaa Cali Saxiib oo 25 km ka dhinaca koonfureed ka xigta magaalo madaxda jabuuti, waxaana loogu magac daray Al-xaaji Xasan Guuleed Abtidoon.

Sanadkii awooda isticmaalka garoonka waxaa lagu qiyaasayaa inay ka faa' iideystaan dhoofayaal hal milyan iyo bar ah, waxaana loogu talagalay in la furo sanadka 2018-ka iyadoo garoonka lahaan doono run way casri ah oo ay isticmaali doonaan diyaaradaha waaweyn ee xamuulka iyo kuwa dhoofayaasha.

Garoonka wuxuu awood u yeelan doona in lagu dejiyo xamuul dhan 100 kun oo tan, iyadoo dhanka kalena ay 500 oo jago shaqo ah laga heli doono.

Muhiimada ugu weyn waxay tahay gobolkaasi inuu yeesho awood xaga qeybta duulimaadka iyo gaadiidka carsiga ah sida uu sheegay Wasiirka gaadiidka Muuse Axmed Xasan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada