Madaxweynaha Somalia oo ka hadlay arin madaxda Caalamka ay ka hadleen lana sugaayay inuu isagana ka hadlo

Madaxweynaha Somalia oo ka hadlay arin madaxda Caalamka ay ka hadleen lana sugaayay inuu isagana ka hadlo

daajis.com:- Mogadishu: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u direy shacabka Sacuudiga, dunida muslimka, eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyooday boqorkii dalka Boqortooyada Sacuudi Caraabiya Cabdalla Bin Cabdulcaziiz Al Sacuud.

”Aad baan uga xumahay ugana naxay geerida ku timid walaalkey, marna ahaa geesi ay Soomaalida ku tashato, xilliyadii adkaana, si dhow arrimaheena ula socdey, gacanna ka geystey. Waa maalin murugo badan oo shacabka iyo dowladda Soomaaliya la qeybsanayaan walaalahooda Sacuudiga tiiraanyada geerida boqorka. Hoggaamintiisa suubban, taageerada iyo u hiilinta waddamada Muslimiinta ee dhibaateysan, waxay ka mid yihiin waxyaabaha ugu waaweyn ee ay tabi doonaan bulshada Muslimiinta ee caalamka”.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Boqor Cabdalla uu ahaa hoggaamiye saameyn weyn ku leh siyaasadda caalamka iyo tan Bariga Dhexe, laguna xusuusan doono doorkii uu ka cayaarey nabadgelyada caalamka iyo xalinta khilaafaadyada.


Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyntii Allah uga baryey marxuumka inuu Ilaahay jannadii fardowsa ka waraabiyo, qoyskii, eheladii, shacabka Sacuudiga iyo dunida Muslimka oo dhanna samir iyo iimaan ka siiyo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada